Deeq waxbarasho: MASTER iyo phd(dalka Aljeria)

Waxaa la shaacinayaa fursad waxbarasho oo heer sare ah oo loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed ee doonaya inay sii wataan tacliintooda sare.

Deeqdan waxbarasho waxay ka timid dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ee Aljeeriya, iyadoo diiradda la saarayo heerarka Master iyo PhD.

Faahfaahinta Deeqda deeqda waxbarasho master iyo phd aljeeriya

Guud ahaan deeqdu waxay ka kooban tahay 60 kursi, oo loo qaybiyay sidan:

  • Master: 40 kursi
  • PhD: 20 kursi

Fursadani waxay taageereysaa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha, si ardaydu uga qayb qaataan horumarka dalka.

Waqtiga Codsiga

  • Bilaabasho: 02 May 2026
  • Dhammaad: 23 May 2026

👉 Codsiga waxaa lagu gudbinayaa: bogga deeqaha ee wasaarada

Shuruudaha Master deeqda waxbarasho ee dalka Aljeria

  • Shahaado Bachelor oo la aqoonsan yahay
  • Ugu yaraan 70% (Arts) ama 85% (Science)
  • Warqado: caafimaad, dembi la’aan (CID), asluub
  • Kaarka NIRA & Passport shaqeynaya
  • Khibrad ugu yaraan 1 sano
  • Damiin sharci ah
  • Doorashada 3 kulliyadood
  • Ballanqaad ku soo laabasho dalka (3 Sano)

Shuruudaha PhD

  • Shahaadooyin: Bachelor iyo Master
  • Ugu yaraan 70% (Arts) ama 85% (Science)
  • Warqado: caafimaad, dembi la’aan (CID), asluub
  • Kaarka NIRA
  • Khibrad ugu yaraan 3 sano
  • Damiin sharci ah
  • Doorashada 3 kulliyadood
  • Ballanqaad ku soo laabasho dalka (3 sano)

Gunaanad

Ardayda buuxisa shuruudaha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay ka faa’iidaystaan fursaddan muhiimka ah, kana shaqeeyaan horumarinta aqoontooda iyo mustaqbalkooda.

👉 Codso hadda ka hor inta aan waqtigu dhammaan.

  • gudihiisa

🌍 Ku Xidhnow Somali Education Connect

🎯 Hadafkeenna: In aan kor u qaadno helitaanka waxbarasho tayo leh oo la gaarsiiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Related Post

Leave a Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *