hel Koorsooyin Calami ah , laguna kalsoonaan karo si bilaash ah.

Bahda Somali Education Connect, waxa ay aad ugu faraxsan tahay in ay bulshada la wadaagdo, soo bandhigada xog la xariirta fursadaha waxbarasho ama koorsooyin Caalami ah oo ay bixiso madasha World Bank Academy waa hindise loo sameeyay in lagu gaarsiiyo adeeg waxbarasho oo leh tayo iyo qiimo sare oo si fudud loo heli karo qof walba, meel kasta oo uu joogo.

Iskaashigan wuxuu astaan u yahay tallaabo horumarineed oo xiiso leh oo ka mid ah dadaalkeenna joogtada ah ee laku hiigsanayo isku xidhka bulshada iyo goobaha waxbarasho ee bixiya adeegyo waxbarsho oo lagu kalsoonaan karo, si fudud loo heli karo, isla markaana leh saameyn wax ku ool ah oo bulshada u adeegta.

Maxaad ka taqaanaa World Bank

World bank waxaa la hay’ad caalami ah oo la asaasay, sanadii 1944 xiligaa oo ay taagnayd xaalad cakirnaan dhaqaale, oo uu sababay dagaalkee 2aad ee dunida, iyo kasoo kabashada mushkiladihii uu sababay dhaqaalo burburkii loogu magacdaray Great Depression taasi oo taagay intii u dhaxeysay 1929 ilaa iyo 1939.

Yoolka fog ee hay’adaan (World Bank) ay tahay dejinta iyo u qalab qaadashada qorshayaal hormarineed oo waara, iyo curinta siyaasado dhaqaale. Marka laka soo tago adeegyada maaliyadeed Bank aduunku waxa laku karanayaa dedaalada iskuku jira; waxbarid, aruurinta macluumaad maaliyadeed, iyo cilmi baarista taasi oo caawisa wadamadda iyo ururadu in ay u sal dhegaan qorshayaal maaliyadeed oo mug leh.

Iyadoo loo marayo World Bank Academy, hay’addu waxay ballaarinaysaa himiladeeda gudbinta waxbarashada iyada oo u laka faa’iideysanayo kacdoonka technologiyadeed — taas oo u suuragelinaysa dadka daneeya waxbarashada inay ka faa’iidaystaan khibradda dhaqaale-yahannada, kaadirka siyaasada.

Halkani waxaan kukula wadaageynaa qodobo muujinaya ahmiyada koorsooyinkaan.

growth-leaf
  1. Ku dooro Sumcad iyo hubanti tayo: Koorsooyinkan waxaa diyaariyay oo bixiya khubaro ka tirsan Bangiga Adduunka, kuwaas oo soo bandhigaya aragtiyo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan horumarka caalamiga ah, dhaqaalaha, maaliyadda,
  2. U furan qofkasta: Qof kasta oo leh xiriir internet ayaa geli kara koorsooyinkan — wax xannibaad ah ma jiraan, mana jiro xuduud.
  3. Go’aanka waqtiga adigaa ayaa iska leh: Waxaad wax ku baran kartaa xawaarahaaga iyo jadwalkaaga gaarka ah. Haddii aad tahay arday, xirfadle, ama qof jecel barashada nolosha oo dhan, waxaad horumar sameyn kartaa marka ay kugu habboon tahay.
  4. Ku dhamee mudo gaaban: Marar badan waxaa dhacda in koorsayinka bar looka tago ama laka caajiso, sidoo dadka inta badani waxa ay duurashadooda 1aad kusaleeyaan mudada in ay ku qaadan karto, Inta badan koorsooyinka waxaa lagu dhammayn karaa saacado yar gudahood, taas oo ka dhigaysa kuwo ku habboon dadka mashquulka ah ee weli doonaya inay ballaariyaan aqoontooda iyo xirfadahooda.

Faahfaahinta Koorsooyin Caalamiga ah

Waxaan dhowaan ka bilaabi doonnaa daabicidda iyo soo xulidda qaar ka mid ah koorsooyinka World Bank Academy. Koorso kasta wuxuu la imaan doonaa dulmar guud, natiijooyinka waxbarasho, iyo tilmaamo ku saabsan sida aad ugu dabaqi karto aqoontaada xaaladaha dhabta ah ee nolosha.

Ku xidhnow Somali education Connect lana wadaag asxaabtaada fursaddan waxbarasho ee cusub oo xiiso leh — kuna soo biir safarka lagu hiigsanayo kobac waxbarasho oo ku xidhan caalamka.

Nala joog!

La soco Somali Education Connect — madal lagu kalsoon yahay oo kuu sahlaysa inaad hesho koorsooyin iyo fursado waxbarasho oo bilaash ah, oo ka socda hay’ado sumcad leh oo caalami ah. Waxaan si joogto ah uga shaqaynaynaa inaan kuu keenno koorsooyin ka kala imanaya ilo kala duwan — oo ay ka mid yihiin hay’ado caalami ah, jaamacado, dugsiyo farsamo, iyo xarumo luqadeed.

👉 La wadaag Somali Education Connect asxaabtaada, ardayda kale, iyo qoyskaaga si ay iyaguna uga faa’iidaystaan fursadahan waxbarasho ee caalamiga ah.

Wadajir ayaan u xaqiijin karnaa in tayada waxbarasho ay gaarto qof walba, meel kasta oo uu joogo.

Related Post

Leave a Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *