Scholarship Gabdhaha Soomaaliyeed

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo kaashanaysa Bangiga Adduunka, ayaa shaacisay mid ka mid ah fursadaha ugu ballaaran ee waxbarasho ee lagu taageerayo gabdhaha Soomaaliyeed. Deeqdan oo qeyb ka ah Mashruuca Rajo Kaaba, waxay u hiilinaysaa kor u qaadista aqoonta, shaqo-helidda iyo hoggaaminta haweenka Soomaaliyeed.

Deeqdan waxbarasho oo heer Master’s ah waxaa sanadkan ka faa’iideysan doona 250 gabdhood, waxaana lagu baran doonaa 15 takhasus oo si gaar ah uga jawaabaya baahiyaha dalka ee xagga waxbarashada sare, hal-abuurka, tiknoolojiyada, deegaanka iyo culuumta bulshada.

Maxay Deeqdan la Gaar Tahay?

Deeqdan kuma koobna oo keliya in la bixiyo kharashaadka waxbarashada, balse waa maalgelin lagu sameynayo awoodda iyo mustaqbalka gabdhaha Soomaaliyeed, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal, aqoonyahanno iyo hal-abuurro door muuqda ku leh bulshada.

Waxbarashada waxaa fulin doona Jaamacadda Kenyatta, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo dammaanad qaadaysa tayada, xirfadda iyo heerka aqooneed ee ay helayaan ardaydu.

Takhasusyada La Bixinayo

Waxbarashadu waxay diiradda saaraysaa takhasusyo laf-dhabar u ah horumarinta dalka, sida:

  • Waxbarashada iyo Maamulka Waxbarashada
  • Cilmi-nafsiga (Psychology)
  • Tignoolajiyada
  • Maamulka iyo Hogaaminta
  • Cilmiga Deegaanka
  • Sayniska iyo Culuumta Bulshada
  • Hal-abuurka iyo Horumarinta bulshada

Takhasusyadaas ayaa si toos ah uga jawaabaya baahiyaha iyo caqabadaha jira—laga soo bilaabo tayeynta waxbarashada ilaa dhisidda hoggaamiyeyaasha haweenka mustaqbalka.

Shuruudaha Codsiga Deeqda Waxbarasho

Si aad ugu qalanto deeqdan qiimaha badan, waa inaad buuxiso shuruudaha hoos ku xusan:

1. Muwaadin Soomaali ah

Codbixiyuhu waa inuu yahay gabar Soomaali ah oo haysata mid ka mid ah aqoonsiyada:

  • Warqad dhalasho
  • Baasaboorka
  • Ama NIRA ID

2. Shahaadada Jaamacadda Heerka Koowaad

Waa in aad haysato:

  • Bachelor’s degree la aqoonsan yahay
  • Shahaadada Dugsiga Sare oo ay ansixisay Wasaaradda Waxbarashada

3. Imtixaanka Af–Ingiriisiga

Waxaad ka qaybgalaysaa qiimeyn af-Ingiriisi ah oo ay qaadayso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

4. Takhasus La Xiriira Waxbarashadaadii Hore

Waa in takhasuska aad dooranaysaa uu la xiriiro shahaadadaada hore, isla markaana celceliska GPA-gaagu uusan ka hooseyn 2.7.

5. Helitaanka Ogolaanshaha Jaamacadda

Deeqda waxbarashada waxaa la bixinayaa oo keliya marka aad hesho ogolaanshaha jaamacadda ee takhasuskaaga.

6. Warqad Caddeyneysa Sababta Codsiga

Waxaa loo baahan yahay:

  • Sababta aad u rabto deeqda
  • Baahidaada dhaqaale
  • Yoolalkaaga tacliimeed iyo xirfadeed

Sidee Loo Codsadaa?

Codsiga waa mid online ah (faahfaahin intaa ka badan waxaad kala xadhiidhi kadhaa Wasaarada), Balse waxaa muhiim ah inaad diyaarsato:

  • Nuqulada shahaadooyinka
  • Aqoonsiga
  • Recommendation letters
  • Intent letter (si xirfadeysan loo qoray)

Xilliga ugu dambeeya ee codsiga: 6-da December 2025.

Maxay Tahay Yoolalka Ku xidhan deeqdaan Waxbarasho ee Gabdhaha Soomaaliyeed?

Deeqdan waxbarasho ma aha oo keliya fursad aad ku barato heer Master’s, balse waa:

Bilow cusub oo kuu horseedi kara shaqo wanaagsan
Albaab kuu fura hoggaaminta iyo go’aan-qaadashada
Aqoon sare oo kaa caawinaysa inaad bulshada wax kusoo kordhiso
Maalgelin dhab ah oo lagu sameynayo mustaqbalkaaga

Gabdhaha Soomaaliyeed waxay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan dhismaha qaranka—deeqdanina waa mid ka mid ah dariiqyada loo furay si ay u gaaraan heerkaas.

Gunaanad

Deeqdan waxbarasho waa fursad Iba fur u ah Ka Rumeynta yoolalka Qaran mid ku saabsan kobcinta aqoonta, xirfadda, iyo hoggaaminta haweenka Soomaaliyeed. Haddii aad buuxinayso shuruudaha, ha lumin fursaddan qaali ah.

Ku xidhnow somali education connect

Related Post

Leave a Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *